Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Doodaya Arrinta Qalbi-dhagax
Sheeko:Baarlamaanka
Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta xaruntooda ku yeelanaya kulankii caadiga ahaa, waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan arrinta Cabdikarim Qalbi-dhagax.
Arrinta Qalbi-dhagax ayaa noqotay mid hareysay ajendayaasha labada aqal maalmuhii ugu dambeysay, waxaan la filaa in maanta la guda-galo kadib markii uu Sabtidii baaqday.
Aqalka sare ayaa Isniintii go’aamiyay in ay dib-u-dhigaan ka doodista arrinta Qalbi-dhagax, kana war sugaan go’aanka iyo waxa ka soo baxa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka arrinkan ku saabsan, Kala Soco, Goobjoog News
Goobjoog News