U bood dhigaalka

Goodax: Gobolka Banaadir waa Inuu Maamulaa Waxbarashadiisa

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadd federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu ka hadlay hannaanka guud ee waxbarashada gobalka Banaadir iyo dadaalka wasaardda ugu jirto hormarinta waxbarashada gobalka.

Wasiirka ayaa xusay in gobalka Banaadir hadda ka dib loo baahan yahay in hanaanka waxbarashada gobalka uu hoggaamiyo maamulka, waxaana uu soo hadal qaaday maqaamka Muqdisho, isaga oo sheegay in gobalka Banaadir xaq u leeyahay inuu noqdo maamul gobaleed madaxbannaan.

“Maadaama dadka magaaladaan ay rubuc yihiin haddii aysan ka badneyn dadka Soomaalida ah ee ku nool halkaan, meesha kaliya ee laga aadi karo waa in ay maamul gobaleed noqotaa, dalkii haddii uu federaal yahay dadkii inta bandanna ay halkaan degan yihiin oo aan dib loo noqon karin meesha kaliya oo weliba uu fahmayo waa in laga aadaa maamul gobaleed” ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in hadda maamulka gobalka uu ugu horeeyo guddoomiyaha ay wadaan hanaanka gobalka Banaadir loogu doonayo inuu noqdo maamul madaxbannaan, waxaan uu intaas ku daray in dowladda aysan uga maarmin shacabka gobalka in ay ka qeyb qaataan waxaa uu yiri.

“Dowladda dhexe shacabka gobalka Banaadir uga maarmeyso in ay gacan ka geystaan meesha laga aadayo, shacabkana waxaa illaahey u dooray guddoomiyaha gobalka oo ahna duqa magaalada in uu hoggaamiyo hannaankaas oo uu meel marsiiyo waxaana hubaa in uu meel marsiin doono gaaritaanka hannaankaas”.

Dhanka kale wasiirka Goodax ayaa carabka ku dhuftay in wasaaradda ay ka golaha an tahay in maamulka gobalka hannaankiisa waxbarashada uu isagu maamulo wasaaraddana ay wado qorshihii loogu soo celin lahaa looguna daadejin lahaa maamulka.waxaana hadalkiisa ka mid ahaa wasiirka.

“ Waxaan rabaa inaan qeexo sida ugu dhaqsiyaha badan ugu xanuunka yar culeyska ugu yar saari karo gobalka inaan waxbarashada gobalka aan ku soo wareejinno maamulka, ma’ahan iskuulaadka dowladdu maamusho kaliya in la wareejinaayo ee waxaa la wareejinayaa wax walbo oo la xariiro waxbarashada oo laga dhex agaasimo maamulka gobalka Banaadir”

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ugu baaqay maamulka gobalka Banaadir in ay u diyaar garoobaan sidi ay ugudan lahaayeen howsha, isaga oo xusay in ay tahay ma’uuliyad adag.

“Wax sahlan idiinma soo socdaan waxaa soo socda howl adag lakiin nasiibku waxaa uu yahay in diyaar garowga maamulka goblka Banaadir uu fiican yahay dhiniciina iyo dhinaceenaba, agabku inuu wanaagsan yahay, aqoontu intii hore in ay ka fiican tahay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

Goobjoog News