U bood dhigaalka

Guddiga Arrimaha Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Ku Taliyey Ku Dhawaaqista Guddi Ka Shaqeeya Abaaraha Dalka Ka Jira

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan ay aad muhiim ugu tahay ku dhawaaqista guddi ballaaran oo ka shaqeeya abaaraha ka jira goballada dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Aabi oo ah guddoomiye ku xigeenka guddigaasi oo habeenkii xalay ahaa ka qeybgalayey barnaamij gaar ah oo looga hadlayey Abaaraha dalka, ayna qabatay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda meello badan oo dalka ah ay abaartu ka jirto haba kala badnaatee.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in abaartani ay tahay Musiibo qaran, maadaama uu guray wabigii Shabelle, sheegayna inay muhiim ahayd in dowladda ay ku dhawaaqdo dalka in Musiibo qaran ay ka jirto.

“Dowladda mas’uuliyad weyn baa ka saaran u gurmashada dadkaasi tabarta haba yaraatee, laakiinse waxaa loo baahnaa in lagu dhawaaqo Musiibo qaran dalka iney ka jirto, Abaartan dalka oo dhan wey ka jirtaa inkastoo gobollada ay sii kala daran yihiin, Wabigii ayaa noqday waddo gaadiidku maraan, ciyaalkuna kubadda ay ku ciyaaraan” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Aabi ayaa dhinaca kale sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u jeediyay inuu isugu yeero guddiga joogtada ah ee baarlamaanka si looga hadlo arrimahan abaaraha ah ee dalka ka jira.

Gobollo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka tani usii dheer Wabigii Shabelle oo guray iyo biyo la’aan baahsan oo jirta.

Goobjoog News