U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Baaq u Diray Musharraxiinta

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada madaxweynaha JFS ayaa ugu baaqay musharraxiinta isku diiwaangalisay tartanka xilka Madaxweynaha in musharrax waliba laga doonayo inuu maalinta barrito ah uu soo gudbiyo 400 afar boqo oo nuqul oo ku saabsan barnaamijkiisa doorashada, waxaana qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay lagu yiri.

“Guddiga Doorashada Madaxwaynaha JFS wuxuu ku wargalinayaa Musharraxiinta Xilka Madaxwaynaha JFS uu guddiga u soo gudbiyo 400 (afar boqol) oo nuqulee barnaamijkiisa doorasho oo daabacan (hard copy) iyo hal nuqul oo electronic ah (pdf) oo ah hadaljeedinta murashaxa, maalinta barri ah oo ku beegan 10 May 2022”.

Doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya ayaa waxaa maanta iyo shalay isku diiwaan geliyay musharraxiin ka badan 30, waxaana doorashada lagu wadaa in ay ka dhacdo Teendhada ku talla aaga Xalane ee Afisyooni, waxaana siweyn olalaha musharraxiinta  looga dareemayaa magaalada Muqdisho.

Goobjoog News