U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada oo Shahaadada Musharraxnimo Siiyay Kheyre

Maajo 8, 2022

Ra’iisulwasaarihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta qaatay Shahaadada muraxnimada madaxweynaha oo guddiga doorashadu si toos ah u bilaabay maanta oo taariikhdu tahay 8-da May.

Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Ra’iisulwasaare ka ahaa intii u dhaxaysay 23-kii February 2017 ilaa 25-kii July 2020, markaas oo guddoomiyihii  Maxamed Mursal shiikh uu sheegay in Baarlamaanka kala laabtay kalsoonida Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa qeyb ka ah dhowr musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, taas oo lagu wado in ay Muqdisho ka dhacdo 15-ka May 2022-ka oo guddigu u asteeyay.

Goobjoog News