U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Sheegay in Doorashada Madaxweynaha Maamulka ay Ku Qabsoomi Doonto Wakhtigeeda

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka cusub ee Hirshabeelle sheikh Cusmaan Barre Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha maamulka ay ku qabsoomi doonto wakhtigii loogu talogalay.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn noo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay xilka uu qabtay:

“Doorashada la ii doortay guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeelle aad baan ugu faraxsanahay, waxaan u mahadcelinayaa xildhibaanada idoortay iyo kuwa aan idooranna waa u mahadcelinayaa fikirkooda ayay cabireen aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan waajibaadkeygii gudan doonana waan rajeynayaa haddii Alle ka dhigo”.

Waxa uu ka warramay caqabadihii kala duwaanaa ee uu soo maray shirka dhismaha maamulka Hirshabeelle;

“Shirkaanu muddo 9 bilood ah ayuu soo socday caqabado badan waa uu la kulmay, laakiin hadda waxaan is leeyahay wax caqabad ah oo hadda hortaagani ma jiro, maalmaha soo socdo waxaa dhici doona doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa markaa si wanaagsan ayay u dhici doontaa, guddi doorasho ayaan magacaabay guddigaas ayaa howsha aad ugu howllan, hawshaan si guul leh ayay ku dhamaaneysaa, maamulkaan waa dhismay, mar haddii guddoonkiisa la dhisay waa dhismay, ninkii u qalma ayayna xildhibaanadu dooran doonaan oo ciddii goboladaan kobcin karta ayay dooran doonaan”.

Guddoomiye Cusmaan oo ka hadlay doorashadiisa iyo haddii ay jirto cid aan ku qanacsanayay ayaa yiri;

” Hab beeleed wax lagu qeybin, dadkaan waa dad wada dhashay, doorashadan sanduuq ayaa la isku doortay oo TV-yada aay Live ka ahayd(si toos ah looga daawanayay) oo cid waliba ay arkaysay oo hadda wax qarsoon maaha, markaa waxaan is leeyahay qofka fikirkiisa wuu cabir karaa, laakiin xildhibaannada ay beeluhu soo xusheen ayaa codeeyay, hadana iyagaa codeyn doona, ciddii wax tabaneysana wadahadal ayaa lala furayaan”.

Guddoomiyuhu waxa uu rajo ka muujiyay in doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ay ku qabsoomi doonto wakhtigii loogu talogalay.

Guddoomiye Sh. Cusmaan Barre Maxamed ayaa loo doortay guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeelle 13 October 2016.

Goobjoog News