U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmed: Wasiirka Waxbarashadu Go’aan kuma laha Maareynta Waxbarashada Puntland

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo ka hadlay muranka imtixaanaadka ee u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada JFS iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in waxbarashada ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada.

Guddoomiye Abshir Maxamed oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Arrinta tacliinta dalka waxa ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada amaba uu wadaxaajoodku ka furan yahay sida ku cad Qod. 52aad ee Dastuurka” isaga oo intaasi raaciyey “ ee wasiirka waxbarashadu go’aan kuma laha maareynta waxbarashada Puntland”.

Waxaa uu guddoomiyaha sidoo kale ka hadlay arrimaha u gaarka ah dowladda federaalka ah “Qod. 54 wuxuu xeerinayaa marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda & Socdaalka & Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda & xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin”

Dhinaca kale, waxaa uu wasaaradda waxbarashada u soo-jeediyey iney qabsato shaqadii loogu talo-galay, oo ah tacliinta dalka sida dastuurka ku qoran isaga oo yiri “Sidaa awgeed, waxaan ku boorinayaa wasiirka in uu u abbaaro arrinta tacliinta dalka sida uu Dastuurka Dalka farayo oo ah wadaxaajood & iskaashi ee sax ma ahan in wasiirku ku goodiyo in wasaarada waxabarashada ee heer Federal ay halis ku noqon karto mustaqbalka ardeyda Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada; waxaa habboon in xukuumada Federaalku ay ka fogaato adeegsashada siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka.

Hadalka Senator Abshir ayaa imaanaya xilli todobaadkii hore uu wasiirka waxbarashada dowladda federaalka ah Cabdullahi Goodax Barre sheegay in Puntland iska diiday imtixaanaadka mideysan ee dowladda federaalaka ah, isaga oo waalidiinta iyo bahda waxbarashada kala hadlay cawaaqib xumo uu sheegay in arrintaasi ka dhalan karto.

Goobjoog News