U bood dhigaalka

Hirmooge, Afhayeenka ONLF Oo Goobjoog Kala Hadlay Go’aanka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani, Afhayeenka ururka ONLF oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay  sida ay u arkaan go’aanka golaha shacabka ee arrinta Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo Jabhadda ONLF.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge,  waxaa uu yiri“Waxaa u aragnaa go’aan qiimo leh, oo guddi qiimo leh ka soo shaqeeyay, oo baarlamaan qiimo leh u xir-saartay, guddigaasi in ay mataalaan baarlamaanka waa ay cadeeyeen, baarlamaanka in uu umadda Soomaaliyeed matalo ayuu cadeeyay, marka aad iyo aadbaan raalli uga nahay go’aankaasi, waan ka fileynay, waana kaan ku laheyn”

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge, waxaa uu sidoo kale uu soo jeediyay mahad-celin dadka uu sheegay in ay qeyb ku lahaayeen xaq la soo celiyay“Waxaa uu u mahadceliyay baarlamaanka Soomaaliyeed, guddiga baarlamaanka iyo dhammaan sida: suugaan yahannada, warbaahinta, xubnaha baarlamaanka, aqoon-yahanka, Jaaliyaadka iyo ururada dhalinyarada”

Golaha shacabka ayaa kulankiisii sabtida ansixiyay in dhiibiistii xukuumadda federaalka ah ee Cabdikarim Qalbi-dhagax ay qalad aheyd, sidoo kale waxaa ay sheegeen in jabhadda ONLF aaney aheyn urur argigixiso ah.

Goobjoog News