U bood dhigaalka

Hishabeelle oo Shaacisay Dhaqanka Soo Xulaya Ergada Kala Dooranaysa 3-Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleeedka Hirshabeelle ayaa shaaciyey Dhaqanka iyo Bulshada Rayid ee soo  xulaysa ergada soo kala  dooranaysa 3 kursi oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka Soomaaliya.

kuraastaan ayaa waxaa tirsigoodu kala yahay , HOP#008, HOP#074, iyo HOP# 109,kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ay qeyb ka yihiin 13 kursi oo horay guddiga uu u shaaciyey.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#008 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay xildhibaan golaha shacabka  Sahra  Cumar Maalin.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#074 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Xildhibaan  golaha shacabka  Dahabo Suusow Maxamed.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#109ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan golaha shacabka Cabdi Casiis Cabdullaahi Maxamed.

No photo description available.

Goobjoog News