U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo Shaacisay Liiska Dhaqan Soo Xulaya Ergada Lix Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada yaridka ah ee soo xulaysa Ergada kala dooranaysa lix kursi oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryiadda federalka Soomaaliya  lagu dooran doono magaalada magaalada Baydhabo.

Kuraastaan guddigu uu shaaciyey waxaa tirsigoodu kala yahay HOP#099, HOP#261,HOP#168, HOP#186 HOP#077  iyo HOP#261, ayaa waxaa deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baydhabo ee  xarunta kumeel gaarka ah ee DKGS.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#099 waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan  Deeqa Xuseen Xasan.

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#261, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan  Cabdulqaadir Xasan Sheekh Aadan.

3: kursiga tirsigiisu yahay HOP#167,waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#168, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan Xuseen Xasan  Xuseen.

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#077, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaanIsgoowe Deeqow Isaaq.

6: HOP#186, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale.

No description available.

No description available.

Goobjoog News