Lix Arrimood oo Xal uga Baahan Eng. Yariisow

Gobalka Benaadir oo ah halka caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ku taalo, waxa uu ku yaalaa meel muhiim ah. Gobalka ayaa leh maamul u gaar ah, waxuuna soo maray heerar kala duwan oo dhinaca maamulka. Muqdisho waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday caasimada dalka 1960-kii markaas oo Soomaaliya xoriyada qaadatay, waxayna hada ka koobantahay 17 degmo. Muqdisho ayaa soo martay marxalado adag xiligii dagaalada sokeeye haatanse waxay u muuqataa mid kasoo kabanaysa saamayntii dagaaladaas.

Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Yariisow oo 21 Janaayo xilkan loo magacaabay ayaa noqonaya gudoomiyihii 33-aad ee Muqdisho yeelato tan iyo 1930-kii sida ay taariikhyahannadu sheegeen, halka ay jirto aragti kale oo sheegaysa in uu yahay duqii 37-aad ee ay Muqdisho soo yeelato. Duqa cusub ee Muqdisho waxa uu waajahayaa arrimo dhowr ah oo u baahan in xal loo helo, arrimahaas oo iskugu jira kuwo farsamo iyo hindisidda qorshe siyaasadeed.

Gobalka Benaadir oo sanadkan 2018-ka Dawladda Federaalku u qorsheesay lacag dhan $10,650,000 (Qoondaha Miisaaniyada, 2018) ayaa maamulka cusub ee Gudoomiye Eng. Yariisow hogaamin doono waxaa horyaala xal u helida howlo badan oo ay ugu waaweyn yihiin maqaamka Muqdisho, xalinta caqabadaha dhulka, xasilinta caasimadda, soo celinta bilicda gobalka, xal u helida barakacayaasha, iyo qaabaynta nidaamka biyaha iyo korontada magaalada.

Maqaamka Caasimada

Maqaamka Muqdisho oo aan weli cadayn ayaa ka mid ah arrimaha horyaala guddoomiyaha cusub. Qodobka 9-aad ee dastuurka qabyo-qoraalka ah ayaa cadeynaya in magaalo madaxdu yeelanayso maqaam uu baarlamaanku ka go’aan gaarayo, waxaana uu qodobkaas u qoran yahay sidatan “Maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” (Q9, Dastuurka JFS, 2012).

Isku dayo ay Guddoomiyeyaashii hore ee gobalku sameeyeen si maqaamka Muqdisho loo helo ayaan noqon kuwo mira dhal ah. Dadka Muqdisho ku nool ayaa ka sugaya guddoomiyaha cusub u qareemida sidii magaaladu u heli lahayd maqaam iyo matalaad siyaasadeed isla markaana Baarlamaanka Federaalku uga go’aan gaari lahaa maqaamka Muqdisho.

Xal u helida caqabadaha dhulka

Dhulka danta guud ayaa badankood ku yaala caasimada oo ah halka dowladda dhexe ku shaqayso. Dhulkan ayaa iskugu jira isbitaalo, iskuulo, dhismeyaal wasaaradeed iyo safaarado.

Qoraal 19-kii bishaan Janaayo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha JFS ayaa lagu muujiyay in madaxweynuhu walaac ka qabo jiritaanka warar sheegaya ku xad gudubka dhul dan guud ah. Qoraalka oo ku saabsanaa in aan dhulka dowladda la hibayn karin, lana bixin karin iyo in aan la wareejin karin, waxaana loo cuskaday qodobka 43-aad ee dastuurka. Waxa uu madaxweynuhu cadeeyay in wixii dhul dan guud ah oo labixiyay wixii ka danbeeyay 8-dii Febraayo uusan ahayn mid sharci ah.

Horay waxaa u jiray warar iyo tuhuno sheegayey in dhul dowladeed la bixiyay, balse hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday xili shirkad gaar loo leeyahay ay dhisme ka bilowday dhul dan guud ah oo ku yaala degmada Xamar Jajab, gaar ahaanna barxada Biyaaso Liibaro loo yaqaano, oo ahayd barxad gaadiidka gobalada dhexe aada ay ka baxaan.

Waxaa kale oo sanadihii danbe soo badanayay is qab-qabsiga dhulalka sida ku cad cilmi baaris macadka Heritage ee darsa siyaasadda uu daabacay. Cilmi baarista ayaa waxaa ku xusan in 80% dacwadaha 2014-kii maxkamadda sare la gaarsiyay ay ahaayeen muranno dhul taas oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay baahida loo qabo xal u helida murannada dhulka ee soo noqnoqday (Land Matters in Mogadishu, 2017).

 

Hadaba maamulka cusub waxaa horyaala xal u helidda, ilaalinta iyo maaraynta dhulka danta guud ee ku yaala Muqdisho iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dhulka la aaminsan yahay in si sharci darrado ah lagu bixiyay. Sidoo kale, in uu dadaal u galo sidii dadka guryahooda la haysto dib loogu soo celin lahaa.

Ammaanka Muqdisho

Baahiyaha caasimadda xiligaan muhiimadda gaarka u leh waxaa kale oo ka mid ah sugitaanka amniga. Magaalada oo ay ka dhaceen dhibaatooyin badan sida qaraxyo iyo dilal bareer ah, muddo gaabanna laga joogo dhacdadii Soobe ee 14 Oktoobar taas oo boqolaal qof ku naf-waayeen, halka kuwa kalana ku dhaawacmeen ayaan weli si buuxda ammaan u noqon. Waxaa xusid mudan in ciidamada ka howl gala Muqdisho sida booliska iyo nabad-sugida ay u badan yihiin ciidan federaal ah. Guddoomiyahii hore ee gobalka Benaadir Taabid Cabdi ayaa horay uga codsaday dowlada federaalka ah in ammaanka gobalka si buuxda loogu wareejiyo dowlada hoose ee Muqdisho.

Su’aalaha isweydiinta leh ayaa ah maamulka cusub ee Gobalka Benaadir ma la imaan doonaa qorshe u gaar ah oo ay ammaanka Muqdisho ku sugi karaan mise waxa uu sii wadi doono qorshihiii xasilinta caasimada oo xukuumada federaalka ah meel marisay sanadkii tagay?

Bilicda magaalada Muqdisho

Magaalada oo dhisme iyo dayactir lagu sameeyay waddooyin muhiim u ah isu socodka dadka, ayaa u baahan hormarin iyo qorshe lagu soo celinayo bilicdeedii. Caasimadda oo aan weli si buuxda bilicdeedii usoo laaban ayaa waxaa laga dhursugayaa in maamulka cusub la yimaado siyaasad lagu mideynayo qorshaha maamulka gobalka ee dib usoo celinta bilicda maagalada iyo sidii lagu dardar galin lahaa cududa dhalinyarada u caaboon dib usoo celinta bilicda magaalada si is-xilqaan ahna uga shaqeeya kuwaas oo u baahan jihayn, taakulayn iyo helida agab ay ku shaqeeyaan. Midaynta labadaas arrimood ayaa qayb lixaad leh ka qaadan doonta soo celinta bilicda magaalada gaar ahaanna goobaha danta guud sida wadooyinka, taalooyinka, beeraha, iskuulada iyo isbitaalada.

Bara-kacayaasha

Qeybo gobalka Benaadir ka mid ah waxaa deggan dad barakacayaal ah oo uga soo qaxay deegaanadoodii colaado iyo abaaro. Dadkan ayaa qeybtood waxay ku nool yihiin goobo dan guud ah sida dhismayaal wasaaradeed, xeryo ciidan iyo beero loogu talagalay in ay ka qayb qaataan bilicda magaalada. Dadkan danyarta ah ayaa ka dhursugaya in maamulka cusub uu la yimaado qorshe uu ku maareeyo deegaankooda iyo nolashooda. Waxaa xusid mudan in maamulkii hore bilaabay dib u dajintooda 4,000 oo qoys kuwaas oo guryahoodi la burburiyay qeybtoodna aysan weli helin deegaan cusub sida uu sheegay Peter de Clercq oo ah ku xigeenka ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Xal u helida barakacayaasha ayaa door muhiim ah ka qaadanaysa nababadaynta iyo dib usoo celinta bilicda caasimadda maadama ay hada deggan yihiin meelo muqaal ahaan aan qurxoonayn nolol ahaanna liidatada. Balse, in siyaasad iyo aragti hormarineed loo helo ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta bilicda, ammaanka iyo nadaafadda Muqdisho.

Qaabaynta nidaamka biyaha iyo korontada

Maamulka gobalka Benaadir waxaa weli gacantiisa ka maqan maamulidda adeegyo bulsho oo muhiim ah sida korontada iyo biyaha. Adeegyadaas oo burburay intii dagaalada sokeeye Muqdisho ka socdeen, waxaana hada gacanta ku haya shirkado gaar loo leeyahay. Dastuurka qodobkiisa 27-aad faqradiisa 1-aad waxay muwaadiniinta xaq dastuuri ah u siinaysaa helida biyo nadiif ah, balse dadka ku nool Muqdisho ayaa ku tiirsan isticmaalka biyo aan nadaafadooda la soo hubin kuwaas oo ay shirkado kala duwan bixiyaan. Sidoo kale, korontada magaalada oo dhowr shirkadood bixiyaan isla markaana aan cidna masuuliyadeeda qaadin hadii ay dhib gaystaan, waxaana ku naf iyo hanti beelay dad badan. Helitaanka korontada ayaa ah mid qiimaheedu sareeyo, waxaana sabab u ah maamulka dowladda hoose ee Xamar oo aan maamulin adeegyadaas, awooodna u lahayn jaan-goynta sicirka muwaadininta laga siinayo adeegyadaas.

Maamulkii hore ayaa balanqaaday in uu keeni doono qorshe adeegyadaas dib gacanta maamulka gobalka Benaadir loogu soo celinayo balse uma hirgalin, waxayna ka mid tahay howlaha maamulka cusub horyaala.

Inkasta oo aan la hubin muddada maamulkan cusub xafiiska sii joogi doono, hadana waxaa horyaala howlahaas iyo kuwa kale oo badan. Waxaa aad loola yaabanyahay in Eng. Yarisow wasaaradii warfaafinta laga soo badalay halka ku xigeenadiisu yihiin dhalinyaro ku cusub siyaasadda iyo maamulka hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah ma noqon doonaan kuwo hirgalin kara arrimahaas horyaala si ay Muqdisho isbadal uga sameeyaan?

Cabdiwali Sheekh Faarax

Fikradaha Akhristayaasha waxaa ay ku soo hagaajin karaan: info@goobjoog.com

Related Articles

20 Comments

  1. full channel [url=http://cialislet.com/#]real cialis without a doctor’s prescription[/url] collect harm far associate successfully
    cheap cialis gently trash [url=http://cialissom.com/#]cialis 10mg online[/url] once mission slow fire previously generic
    cialis 20mg slowly reflection http://cialislet.com/

Leave a Reply to wrosque Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW