Geneneraal Cabdi Jamac cabdulle xabeeb oo ka tirsan saraakiisha amniga Galmudug iyo masuulkiyiin ka socday maamulkaasi ayaa ku guuleystay xallinta colaado ka jiray deegaanno ka tirsan gobalka Mudug .
Deegaanada Kaxan-dhaale, Daca-dheer iyo deegaano kale ayaa mudooyinkii dambe waxaaa ku dagaalamayey maleshiyaad xoolo dhaqato ka soo jeeda, deegaanka , kuwaa oo isku haystay daaqsinka iyo waraabka biyaha
Sarakiishaan ayaa sheegay in ay heshiis kala dhex dhigeen beelaha colaadu ay dhexmartay ,waxayna u rajeeyeen in aysan dib u soo laaban dagaaladaasi ka dhacay gobalka.
Joojinta colaadaha u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah waa dadaal ay wadaan dawlad goboleedka Galmudug iyo dawlada federaalka,kaas oo la doonayo in lagu nabadeeyo dadka walaalaha ah.
Goobjoog News