Maamulka J/hoose Oo Wax Ka Qabanaya Xaaladda Bini’aadannimo Ee Buulo-gaduud

Maamulka Jubbada hoose ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta degaanka Buulo-gaduud ee gobalkaas.

Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Jubbada hoose, iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degaankaas ayaa kulan la qaatay qeybaha bulsahda si loo ogaado baahiyaha ay qabaan.

Shacabka qaarkood oo hadlay waxay sheegeen iney u baahan yihiin gar-gaar caafimaad, waxbarasho iyo sidoo kale cunto ku filan.

C/rashiid C/laahi Gooni, guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose oo shacabkaasi la hadlay ayaa sheegay iney heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin oo ay ugu horreeyaan caafimaadka iyo waxbarashada.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW