U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Degmada Eyl Kulan Kula Qaatay Golaha Deegaanka iyo Guddoonka

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan golahan ay ku soo doorteen codkooda ay ugu adeegi doonaan rabitaankooda, maadaama ay iyagu doorteen.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bulshada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dhammaan dadka reer Puntland ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Golaha deegaanka cusub ee degmada Eyl iyo guddoonka cusub ee ay doorteen wuxuuna ku baraarujiyay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo qorsheeyaasha Dowladda ee ku aadan horumarinta degmada dhinackasta.
Dhankooda, Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Eyl iyo guddoonkooda ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, hirgelinta Doorashada hal qof iyo hal cod ee Puntland, dhismaha wadooyinka iyo mashaariicda hormarineed ee ka socda deegaannada dowlad goboleedka Puntland.
Goobjoog News