Kismaayo: Nicholas Haysom Iyo Madeira Oo La Kulmay Axmed Madoobe

Wakiilka cusub ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo dhiggiisa midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira ayaa waxa uu haatan kulan kula leeyihiin  magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Haysom iyo Madeira ayaa maanta gaaray magaaladaasi, waxaana kulanka uu la qaadanayo Madoobe looga hadlayaa arrimo ay ugu horreyso khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada.

Ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo laga helay kulankan ka soconaya magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Waxaa sii xoogeystay khilaafka ka dhaxeeye dowlad goboleedyada iyo sidoo kale dowladda dhexe, iyadoo wadahadal uu ku baaqay madaxweynaha DFS, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

43 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW