U bood dhigaalka

Xildhibaankii Ugu Horreeyey Ee Aqalka Hoose Oo Lagu Doortey Garoowe

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goor dhow magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu doortay xildhibaankii ugu horreeyey ee Aqalka Hoose, kadib doorasho dhacday.

Cali Yuusuf Cali ayaa noqday xildhibaanka ugu horreeya ee aqalka hoose, waxaana uu helay 49 cod, isaga oo ka guuleystay C/rashiid Xasan Yuusuf  oo helay 1-cod.

Guddiga doorashada ayaa ku dhowaaqay natiijadan, waxaana sidoo kale hadda la bilaabey u codeynta Kursiga Labaad ee xubnaha xildhibaannada aqalka hoose kaga soo aaddey Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News