Dowladda Australia ayaa si rasmi ah u bilowday hirgelinta sharcigii ugu adkaa caalamka ee lagu xaddidayo isticmaalka baraha bulshada ee carruurta, iyadoo mamnuucday in qof ka yar 16 sano uu yeesho ama isticmaalo akoon Instagram, TikTok, Snapchat, Facebook, X, Reddit, YouTube, Threads, Twitch, ama Kick – haddii uusan caddeyn karin in uu ka weyn yahay 16.