Magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari, waxay maanta martigelinaysaa mid ka mid ah booqashooyinkii ugu miisaanka cuslaa ee abid soo mara dalka Soomaaliya. Iyada oo lagu dhex jiro jewi siyaasadeed oo aad u kacsan, kana duwan kuwii hore, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Xamse Cabdi ay cagta dhigeen dhul xorriyaddiisa ku soo ceshaday dhiig iyo halgan. Socdaalkan ma ahan mid maamuus oo qura, ee waa farriin diblomaasiyadeed oo loo dirayo dunida oo dhan, goor Geeska Afrika ay ka socdaan isbahaysiyo cusub iyo loollan siyaasadeed.