Madaxweynaha Mareykanka oo dilka Yaxye Sinwaar ku tilmaamay waa cusub oo Israa’iil iyo Mareykanka u beryay Madaxda dowladda Mareykanka iyo maamulka Israa’iil oo saacado ka hor ku dhawaaqay dilka hoggaamiyihii ururka Xamaas Yaxye Sinwaar ayaa jeedinaya hadallo u muuqda hambalyo ku aaddan howl muhiim ah oo ay ku guulaysteen. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Madaxweynaha Kenya oo magacaabay madaxweyne ku xegeenkiisa Cusub Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Prof Kithure Kindiki inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedelaya Rigathi Gachagua oo saacado ka hor xilka laga qaaday.
1 daqiiqo Maxay dunidu ka tiri dilka Yaxye Sinwaar? Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta qabsaday xogo ku saabsan dilka hoggaamiyihii ururka maxaas yaxye Sinwaar oo ciidamada maamulka Israa’iil ay sheegeen inay ku dileen marinka Qasa, islamarkaana ay meydkiisa helaan oo xaqiijiyeen inuu asagii yahay.
1 daqiiqo Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Sheekh Hasina Maxkamad ku taal Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Sheekh Hasina, taasoo u carartay Hindiya in ka badan laba bilood ka hor markii lagu riday kacdoon ay ardaydu horkacayeen.
1 daqiiqo Israa’iil oo si toos ah u beegsanaysa Ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Lubnaan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay weeraro toos ah oo waxyeello dhaawac iyo dhimasho leh sababay kala kulmay ciidamada Israa’iil.
1 daqiiqo Khilaafka Hindiya iyo Canada oo cirka isku shareeray Canada ayaa dalkeeda ka ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada.
1 daqiiqo Maxaa ka soo kordhay weerarkii Xisbullaahi ee magaalada Binyamina oo aad u kordhay ? Wararka ku saabsan weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ururka Xisbullaahi uu ku qaaday Magaalada Binyamina ee waqooyiga Israa’iil ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay hadda 5 qof ku dhowdahay, halka dhaawacyaduna ay 60 kor u dhaafeen.
1 daqiiqo Khasaare xooggan oo dhashay qarax ka dhacay koonfurta magaalada Xayfa ee Israa’iil Wararka ka imaanaya deegaanka nimyaami ee koonfurta magaalada Xayfa oo ka tirsan dhulka ay maamusho Israa’iil ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen qarax culus oo halkaas ka dhacay sidoo kale dhaawacyada qaraxaas ka dhashay ayaa gaaraya 39 qof sida warbaahinta ay warinayso
1 daqiiqo Isra’iil oo sii wadda Xasuuqa iyo barakicinta shacabka Falastiin Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen.
1 daqiiqo Hoggaamiyaha fallaagada RSF ee dalka Suudaan oo masar ku eedeeyay duqeymo lala beegsaday goobo ay ciimadiisu ku sugnaayeen Hoggaamiyaha fallaagada RSF ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda Suudaan Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa Masar ku eedeeyay inay ku lug leedahay duqaymo xagga cirka ah oo lala beegsaday ciidamadiisa.