Culumada Azhar oo ku baaqay in la taageero mowqifka Masar ee ku aaddan dib u dhiska Qasa Culumada Jaamacadda Al-azhar Al-Shariif oo kamid xurumaha diineed ee ugu waaweyn dunida Islaamka ayaa ku baaqay in la taageero mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan dib u dhiska marinka Qasa. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Israa’iil iyo Xamaas oo qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya cabsidii laga qabay burburka xabbad-joojinta Maamulka Israa’iil iyo ururka wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya walaacii laga qaday in xabbad-joojinta marinka Qasa ay burburto ka dib markii labada dhinacba is diideen fulinta qodobo ku jiray heshiiska.
2 daqiiqo Trump iyo Putin oo ku kulmi doona Sacuudiga Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii sheegay inuu wada-hadal dheer oo wax-ku-ool ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaas oo ay ku heshiiyeen inay si degdeg ah u bilaabaan wada-xaajoodyo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine.
1 daqiiqo Magaalada Boosaaso oo aas qaran loogu sameeyay saraakiil ku geeriyooday dagaalka Daacish Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa aas qaran loogu sameeyay laba sargaal oo ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaas.
1 daqiiqo Xamaas oo ku baaqay in muslimiinta dunidu ay sameeyaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo barakicinta dadka reer Qasa Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa dhammaan dadka muslimiinta ah ee daafaha dunida ku kala nool ugu baaqday inay sameeyaan bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu doonayo in Marinka Qasa dadka deggan looga barakiciyo.
1 daqiiqo Israa’iil oo sheegtay in Xamaas haddii ay maalinta sabtida maxaabiistoo soo deyn weydo ay furmi doonaan Albaabada Jaxiimo Wasiirka Difaaca maamulka Israa’iil, Israel Katz ayaa sheegay in haddii uu ururka Xamaas maalinta sabtida ah ee soo socata dhammaan la-heysteyaasha Israa’iiliyiinta ee gacanta ugu jira sii deyn waayo uu furayo Albaabka naarta Jaxiimo, sida uu hadalka u dhigay.
1 daqiiqo Dagaalka Israa’iil iyo Xamaas oo laga cabsi qabo inuu dib u billowdo In ka badan saddex toddobaad ayaa laga joogaa xilligii lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta ah ee Marinka Qasa, kaas oo sababay nabad aan caga adag ku taagnayn oo fududaysay in dadka qaar ay guryohooda ku noqdaan iyo in gargaarka bini’aadanimo uu galo Qasa.
1 daqiiqo Soomaaliland oo sheegtay in shirkii dhowaan Imaaraadka ka dhacay ay Soomaalida oo dhan ku matalaysay Ayadoo uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro ka qeyb-galay shirkii dowladaha adduunka ee world Governments summit, kaas oo ka dhacay dalka isku tagga Imaaraadka carabta ayaa Soomaaliland waxay sheegtay in shirkaas ay Soomaalida oo dhan ku malataysay.
1 daqiiqo Madaxweynaha Somaliland oo kulamo ka waddda Imaaraadka Carabta Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxa uu kulan mihiim ah leeshay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐨𝐮𝐦 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta , isla markaana ah Amiirka Mandaqadda Dubia.
1 daqiiqo Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis dhanka difaaca iyo warshadaha ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah