Maxay ka dhigantahay Xabbad-joojinta Qasa ? Xabbad-joojinta ay ka shaqeeyeen dalalka Qatar,Mareykanka, iyo Masar ayaa maanta oo Axad ah ka dhaqan-gelaysa marinka Qaza, ka dib 15 bilood oo dagaal lagu hoobtay uu ka socday halkaas. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Xabbad-joojinta Gaza oo maanta lagu waddo in ay dhaqan gasho Xabad-joojinti ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu wadaa in saaka 8:30 subaxnimo xilliga Bariga Dhexe ay ka dhaqan gasho guud ahaan Marinka Gaza, sidaasi waxaa Sabtidi shalay magaalada Doha kaga dhawaaqay dhexdhexaadiyaasha wadahadallada.
1 daqiiqo Xaaladda Gaalkacyo oo Degan Kadib Israsaasayn Dhexmartay Ciidamada iyo Kooxo Hubaysan Ciidamada booliska ee maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ka hortagay kooxo hubaysan oo la sheegay inay qalqal amni ka abuuri rabeen magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Koonfureed.
1 daqiiqo Imran khan oo lagu xukumay 14 sano oo xarig ah, haddaba maxaa loo haystaa ? Maxkamad ku taal Pakistan ayaa 14 sano oo xarig ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan, waxaana loo haystaa dacwado la xariira musuqmaasuq dhul ah, sida dacwad oogayaashu sheegeen.
1 daqiiqo Israa’iil oo duqeysay goobo ay ku sugnaayeen Ciidanka Suuriya Ilo wareedyo ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay leedahay Israa’iil ay bartilmaameedsadeen kolonyo ka tirsan waaxda howlgallada milatariga dalkaas oo ku sugnaa tuulada Ghadir al-Bustan ee duleedka magaalada Quneitra oo ku taalla koonfurta bari ee Suuriya.
1 daqiiqo Soomaaliya iyo Ukraine oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Axmed Maxamuud Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha.
1 daqiiqo Israa’iil iyo Xamaas oo gaaray heshiis xabbad joojin ah iyo dabaaldegyo ka socda Qasa Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo ay wadajir u gaareen Xamaas iyo Israa’iil
3 daqiiqo Madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koofureed oo la xiray Waaxda la dagaallanka musuq maasuqa Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in aroornimadi hore ee Arbacada maanta ah lasoo xiray madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee dalkaasi Yoon Suk Yeol.
2 daqiiqo Wafdi ka socda Soomaaliya oo kulamo ka wadda Ciraaq Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta taliska ciidamada xuduudaha ee Dowladda Ciraaq, isagoo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdalla Cabdalla, Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Yuusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.
1 daqiiqo Markab laga leeyahay Shiinaha oo laga sii daayay xeebaha Soomaaliya iyo Dowladda dalkaas oo war ka soo saartay Markab kaluumaysi oo laga leeyahay Shiinaha, islamarkaana burcad badeed Soomaali ahi ay ku haysteen xeebaha Puntland ayaa la sii daayay, sida ay xaqiijisay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.