U bood dhigaalka

Qorshe Lagu Dhisayo Maamul Ka Dhan Ah Galmudug Oo Ka Socda Caabudwaaq

Sheeko:Baarlamaanka

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaaduud waxaa maalmahan dambe siyaasiyiin halkaasi ku sugan ay ka wadeen qorshe ay ku doonayaan inay ku dhisaan maamul ka madax bannaan Galmudug State.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Jaamac oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in maamulkaan yahay mid lagu carqaladeynayo Galmudug, balse aanu waxba u dhimi doonin maamulkooda.

“Waxaasi maamul ama wax jiro ma ahan waa dad doonaya fowdo, sharciyadna kumaba imaan karo oo waxaa halkaasi ka dhisan maamulkii deegaanka, dadka halkaasi degnna waa dad Galmudug oo taageersan maamulkooda, waxa howshan wada ma ahan dad ehel u ah siyaasadda, sababtuna waxay tahay dadkii aan halkaasi ku naqaannay kuma lug lahan qorshahan” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Xaashi Jaamac ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan waqooyiga gobolka Galgaduud ay wax ka dhisteen Galmudug, islamarkaana aysan raali ka ahayn waxa kale ee ka socda Caabudwaaq.

“Dadka Caabudwaaq waxaan socda shaqo kuma lahan, wasiiradoodii, xildhibaanadoodii dhammaan halkaan bay joogaan, waxaana degmada Caabudwaaq ka shaqeynaya maamul Galmudug u magacawday waana la xoojin doonaa maamulkaasi” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaanka.

Siyaasiyiin iyo waxgarad ku sugan degmada Caabudwaaq lana hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhisi doonaan maamul la magac baxay Galgaduud Sare, kana madax bannaan Galmudug State.

Goobjoog News