U bood dhigaalka

R.W Cabdiweli oo ammaanay kaalinta Imaaradka Carabta ee u gargaarida soomaalida

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”37″]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta ka guddoomay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta deeq raashin ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee saameeyeen abaaraha iyo cunto-yarida ka jirta qeybo kamid ah gobollada dalka.

Raashinka deeqda ah ee saaran 40-ka baabuur oo Xamuulka ah ayaa isugu jira: Bur, Bariis, Saliid, Sonkor iyo cuntooyin kale, waxaana la filayaa in raashiinkani la guddoonsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan qaar kamid ah gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo oo ugu horrayn ka hadlay munaasabaddii ay dowladdu kula wareegaysay deeqda Raashinka ah ayaa u mahadceliyay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxana uu sheegay in deeqdan ay ka timid dowladda Imaaraadka isla markaana qeybqeyb loo gaarsiin doono deegaanada ugu daran ee cunto- yaridu ka jirto.

Wakiilka dowladda Imaaraadka u qaabilsan Mashaariicda Soomaaliya Siciid Cabdalla ayaa dhankiisa sheegay Deeqdani inay qeyb ka tahay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey in Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyada Waxbarashada, Caafmaadka, Dib-u-dhiska dalka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo gunaanadkii Munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka gurmadka ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed xili qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro iyo cunto-yari, waxana uu sheegay in xiriirka labada dowladood oo ah mid ballaaran ay keentay in kaalmo dhinac walba ay bixiso, isla markaana ay ka rajeynayaan in ay intaan ka sii xoogeysan doonto taageerada dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Soomaaliya ugu yaboohdo.

“Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka jawaabaysa baaqii golaha Xukuumaddu kasoo saaray xaaladdaha adag ee ka jira deegaano kamid ah gobollada dalka ayaa maanta nasoo gaarsiisay deeqdii ugu horraysay oo jawaab u ah baaqeenii, deeqdani waxaa si deg deg ah loo gaarsiin doonaa goobaha ay ka jiraan abaaraha, dadka Soomaaliyeed iyo Caalamka waxaan mar labaad ka codsanaynaa inay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee duruufaha adag ku haystaan gobollada qaar” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

—DHAMAAD–