U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Taliye Farxaan Qaroole

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre  ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allahunaxariistee Taliyihii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole), kaas oo maanta ku geeriyooday qarax miino gobolka Shabeellaha dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu hubo inay shahiideen oo ay Alle agtiisa boos fiican ka heli doonaan sida uu hadalka u dhigay “Marna kuma niyad jabayno in aan wayno halyeey iyo laba u diyaar ahaa inay naftooda waayaan ee waxaan ka qaadeynaa dhiiranaan iyo in aan kusii taagnaano waddada xaqa ah.”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha.
Taliyaha iyo saraakiil kale ayaa maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii ciidanka Booliiska gaarka ah ay weerar saakay ku qaadeen deegaanno dhowr ah oo Basra hoosta iyaga oo Al-shabaab kala wareegay muddo dheer ka dib ay ku sugnaayeen.
Goobjoog News