U bood dhigaalka

Saraakiil Al-shabaab ahaa oo isku soo Dhiibay Ciidammada Dowladda

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah gaar ahaan ciidammada ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen rag ka tirsan Al-shabaab

Labadan horjooge ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud.

Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka.

Raggaan waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee tallada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa la socday baabuur Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale, iyagoo kaddibna ku soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.

Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada isaga oo u matalin jiray  gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa  gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoog News