U bood dhigaalka

SEIT Galmudug Oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Kursi Ka Tirsan Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursigii ugu dambeyay kuraasta Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada kursiga Aqalka sare la qabanayo 16-ka bishaan oo ku beegan arbacada soo socota.

Madaxweeynaha dowlad gobaleedka galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa 12-kii bishaan shaaciyay musharixiinta u tartamaysa kursigaan.

Yuusuf Gelle Dhageey ayaa iska casilay kursigaan 15-kii November ee sanadkii hore, isaga kadib ku guuleystay kursi ka tirsan golaha shacabka.