U bood dhigaalka

Senator Faroole “Xukuumadda Haloo Meelmariyo Sidii Loo Meelmariyey Ra’iisul Wasaaraha”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka codsaday xildhibaannada golaha shacabka iney meelmariyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Faroole oo ku sugan dalka Australia, ayaa sheegay in aysan ahayn warar lagu farxo in xildhibaannada qaar ay diiddaan xukuumaddan, wuxuuna sheegay in la doonayo in laga shaqeeyo amniga iyo kala dambeynta dalka, loona istaago in la caawiyo dadka Soomaaliyeed.

“Waa wax laga xumaado in baarlamaanka uu kala qeybsamo, waa fadeexad in wax dhexdeenna ah banaanka laga ogaado, xildhibaannada baarlamaanka waxaa ugu baaqayaa oday Soomaaliyeed ahaan ineysan umadda adduunka nala yaabin, golaha wasiirada sidii ay u keeneen raggii dowladda loo doortay haloo ansixiyo, waliba haloo ansixiyo sida lagu ansixiyey golaha wasiirada” ayuu yiri Faroole.

Senator Faroole ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaanno ku dhaartay iney dalka iyo dadka u adeegaan in hadane ay ku doodaan beel wasiiro badan aan helin ama wax lamid ah.

“Wax laga xishoodo waaye in dad waaweyn oo dhaar maray ay hadda yiraahdaan reerka yaga waxbaa ku yar ama wasiiro micno leh lasiin ma garan sababtaasi”

“Xildhibaannada haddii ay wax dhaliilayaan waxay u wici karaan wasiirka ama Ra’iisul wasaaraha, ma ahan inaan daba soconno cid la magacaabay ee wixii qaldamay inaan xisaabinno waaye, waxaa ceeb ah in mooshinka uu noqdo mid lagu shaqeysto” ayuu yiri Faroole.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, tiro ahaanna gaaraya 105 mudane ayaa kahor yimid magacaabista xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, iyaga oo ra’iisul wasaaraha ugu baaqay inuu dib ugu laabto dhismaha xukuumaddiisa.

Goobjoog News