U bood dhigaalka

Shaqada Golaha Shacabka: Sharciyeedka Dhismaha Haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo Qaxootiga.

Sebteembar 28, 2020

Golaha shacabka ee dowladda federaalaka ah ayaa maanta lagu wadaa iney ka doodaan arrimo ay ka mid yihiin Hindise sharciyeedyo.

Shaqada 1-aad waa hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Dowladda Soomaaliya .

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Goobjoog News