U bood dhigaalka

Shirwac: Qalalaasaha Siyaasadeed Oo la Abuuray Waxa Uu Keeni Karaa In Baarlamaanka Uu Fadhiid Noqdo

Sheeko:Baarlamaanka

Mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa noqotay midka ugu hadal heynta badan Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Arrintaasi, waxaan wax ka weydiinnay Cabdullahi Shirwac, oo ka tirsan bulshada rayidka ah, isaga oo ka hadlay heerka khilaafka ee dowladda dhexdeeda ah

Cabdullahi Shirwac  ayaa sheegay in haddii dowladdii dhexe ay iyadu dhexdeeda ay is haysato in maamul goboleedyadu dalka ay xaq u leeyihiin in ay ka sii jeestaan oo ay ka tashadaan aayahooda.

“Qalalaasahaan siyaasadeed oo la abuuray waxa uu keeni karaa in Baarlamaanka uu fadhiid noqdo xukuumaddana ay noqoto mid wax matarto ah, meeshii dhexe oo Soomaalida isku heysay waa dowladda dhexe, dowladdii Fedaraalka haddii ay iyadu isku mashquulsho maalin walbana ay dirireyso  maamul goboleedyada waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka sii jeestaan”.

Cabdullahi Shirwac ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya in uu guto oo uu ciyaaro kaalintiisa uga aadan xaaladda uu dalka marayo.

Goobjoog News