Turkiga Oo Barakacayaasha Syria Ugu Deeqay In Ka Badan Kun Guri

Bisha Cas ee Turkiga (Kızılay) ayaa boqolaal guri ugu deeqday dadka reer Siiriya ee ka soo barakacay dagaalada ka socda gobalada qaar ee dalkaas kuwaas oo soo gaaray gobolka Idlib.
Guryaha waxaa laga dhisay magaalada Sarmada oo qiyaastii 6 kiilomitir (3.7 mayl) u jirta xadka Turkiga uu la leeyahay Siiriya .
Ku dhowaad 1,300 guryo ayeey diyaarisay Bisha Casta Turkiga ayuu yiri madaxa hay’adda samafalka Kerem Kınık.
“750 ka mid ah (guryahan) ayaa hada loo dhiibayaa milkiilayaashooda, 540 harsan waxaa loo geyn doonaa milkiilayaashooda 15 maalmood gudahood,” ayuu yiri Kınık.
Ku dhowaad 7,000 oo Suuriyaan ah ayaa deganaan doona guryaha cusub ee la dhisay, ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxa hay’adda samafalka Kerem Kınık.
Dhismaha guryaha ee ay dhistay Kızılay waxaa kale oo ku jira xarun daryeel caafimaad ah, goob suuq ah, Masaajid iyo garoon ay caruurtu ku ciyaaraan.
“Suuriya, halkaas oo ay ku yaalaan in ka badan 2,000 oo xero qaxooti, culeyska ugu culus wuxuu saaran yahay dhanka Idlib, 1.7 milyan oo qof ayaa ku nool teendhooyin cooshado ka sameysan, Nolosha halkan waxay ku sii socotaa teendhooyin, Maanta ololaha guryo joogto ah oo la bilaabay iyadoo gacan laga helayo dhammaan ururada samafalka waxay keenayaan barakacayaasha reer Suuriya si guryaha loo dajiyo “ayuu yiri Kınık.
Olalaha lagu caawinayo barakacayaasha Idlib ayaa waxaa bilaabay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Degdegga ee Turkiga (AFAD) horaantii 2020 si guryo looga dhiso
Ujeedka ayaana ahaa in ka badan 50,000 oo guri in laga dhiso Idlib bisha Juun ee sannadkan 2021.
Dadka ku nool Idlib waxay gaarayaan 3.75 milyan oo qof tan iyo markii dagaalada sokeeye ay ka bilowdeen dalkaas .