U bood dhigaalka

Xil. Hore Yaasiin Cabdi Seed “Waxaa Dalka ka Dhacay Isbedel ka Madaxbanaan Wadamada Dariska ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan hore Yaasiin Cabdi Seed ayaa sheegay in isbedelka dalka ka dhacay uu yahay mid ka madaxbanaan faragelin shisheeye iyo wadamada dariska ah.

Xildhibaan Yaasiin oo ka tirsanaa baarlamaanka 9aad ee D.F.S oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in isbedelkii dalka ka dhacay uu ka madaxbanaanaa faragelinta wadamada dariska ah oo galgal farabadan u lahaa siyaasadda dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in baarlamaanka 10aad uu xaqiijiyay rabitaanka shacabka isla markaana uu dhaliyay isbedel ka madaxbanaan faragelin shisheeye:

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen in doorashada iyo isbedelku ay u dheceen runtii sidii ay u doonayeen, waa midda Koowaad iney dalka gudihiisa ka dhacaan, waa midda Labaade in dalabkoodii ahaa isbedel ku saleysan nidaam dimuqraadi ah uu meesha ka dhaco oo ka madaxbanaan faragelin wadamada dariska ah inuu dhaco runtii”, ayuu yiri xildhibaan Yaasiin.

Baarlamaanka 10aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhigiisii 1aad kulankiisii 7aad ee wadajirka ahaa ku doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqday madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News