U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Cali oo si faahfaahsan Ugu Warramay Goobjoog Diyaargarowga Doorasho ee Ka Socda Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo aan la yeelanay wareysi gaar ah ayaa si faahfaahsan uga hadlay qabanqaabada doorasho sida ay uga socoto dowlad goboleedka Jubbaland isagoo sheegay in wax walbaaba ay ku socdaan sidii loogu talogalay.

Xildhibaan Cabdi Cali waxa uu sheegay in magaalada Kismaayo ay si fiican wax uga socdaan 24 September-na uu filayo iney arrimaha doorasho ee maamulku soo dhamaato:

” Caasimadda ay hadda ku sii shaqeyso Dowladd goboleedka Jubbaland ol’olihii iyo shaqadii waa ka socotaa odayaashii dhaqanka mar hore ayaa la xareeyay, odoyaasha dhaqanka iyo odyaasha ay la tashanayeen iyo liisaskoodii mar hore ayay gudbiyeen, ergooyinkii beelaha qaarkood waaba gudbiyeen beelaha dhimanna,15 ayayba ku ekeyd, laakiin dhowr maalmood ayay ugu dareen guddiga waxaan qiyaasaynaa in sadexda maalmood ee soo socota ergooyinkii dhameystirmi doonaan, hadaan khilaafaad kale iyo wax imaanin, markaan halkan ka cabiro magaalada aan joogo iyo sida ay wax u socdaan, baarlamaankii federaalka ee Jubbaland laga soo dooran lahaa waa macquul wakhtigii loo qabtay oo doorashadu iney bilaabato ay ahayd 24 September illaa bilowga October waa ka macquul sida ay hadda guddiga doorashada ee heer gobol iyo heer federaalba u wadaan”.

Waxa uu xildhibaanku xusay inuu booqday oo uu tagay dhamaan goobaha doorasho indhihiisana uu ku soo arkay sida ay wax u socdaan:

“Intaan arkay xafiidkooda waan tagay(Guddiyada doorashooyinka), odayaasha meelaha ay joogaan waan tagay dadkii ergada magacaabi lahaa oo wakiilka ka ahaa  waxaad arkaysaa Kismaayo hoolalkeeda ayaa lagu shirinaayaa, nimakii musharixiinta ahaa dadkii ay kala xodanayaan, shaqadii waa socotaa, maalin walbaana musharixiin cusub ayaa Airportka kasoo dagaya, maantadaa aan kula hadlaayo koox cusub oo soo dagtay ayaan arkayay.”

Xildhibaanka oo qiyaas ka bixinayay dadka kuraasta u tartamaya marka la eego cidda badan xildhibaanadii hore iyo kuwa hadda hamigu ku jiro, ayaa waxa uu tilmaamay in dadka cusub ay badan yihiin, waxa uu sheegay in kursi kasta ugu yaraan 5 qof ay u taagan tahay, halka meelaha qaar uu loolanku gaaray, sida uu yiri, illaa 10 murashax oo u taagan Hal kursi oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka.

Sida ka soo baxday shirkii madasha ee ugu dambeyay ayaa lagu go’aamiyay in doorashooyinka gabi ahaanba la soo gabagabeyn doono 30 October oo ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News