U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa oo Ka Hadlay Sababta Ka Dambeysa Kalsooni Darrada Shacabka ee Hay’adaha Amniga Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dlaxa oo ka tirsan  baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah aan la yeelannay ayaa sheegay in wada shaqeyn la’aanta shacabka iyo hay’adaha amniga ay sabab u tahay kalsooni darro ay shacabku ka qabaan dhanka hay’adaha amniga dalka.

Xildhibaan Dalxa oo Goobjoog News uga warbixiyay xaaladda amni iyo qaraxyada lala beegsado Hotellada Muqdisho, ayaa hay’adaha amniga dalka ku eedeeyay in dadka doonaya iney la shaqeeyaan telefoonkaba aan laga qabaneyn, taasina ay dhalisayay in dadku ay ka kalsooni baxaan hay’adihii amniga;

“Shacabku dad ay ku kalsoonyihiin waa iney arkaan, dad aan taleefanada xitaa ka qabaneynin oo haddii la yiraahdo la shaqeeya iyaga iskala weyn ma wada shaqeyn karaan, shacabka dad dhex geli kara, shaah la cabi kara oo la qadeyn kara, la qadi kara, la quudan kara ayay isku aamini karaaan talana kala dhaxayn kartaa, haddii aad Ugandhis aamnitid qof waliba iyaga ugama hortagi kartid, anagoo dawladdii ka tirsan oo xildhibaanno ah ayaa waxaa laga yaabaa wax adiga ku khuseeya oo xaaladda guudna qeyb ka noqon karta in telefoon meeshii aad u dirto uuba kaa qaban waayo, waa in la helaa xal si wadashaqeyntu u noqoto mid dhab ah”, waana sida uu hadalka u dhigay xildhibaanka.

Xildhibaan Dalxa ayaa ku baaqay iney nabadgalyadu noqoto mid isku xiran oo qof waliba kaalinta uu ku leeyahay uu ka qaato, isagoo tilmamay inaan shaqada cid goonni ah lagu halleynin, laakiin si wada jir ah loo wada qabto.

Weerar is miidaamin ah oo 30 August lagu qaaday Hotel SYL ayaa waxyeello ka soo gaartay inta la xaqiijiyay dad 20 qof  ka badan oo ku geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay illaa 40 qof oo kele oo qaarkood dhaawacood culus yahay.

Goobjoog News