U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Ku Baaqay In Gabi Ahaanba Dalka Laga Joojiyo Qaadka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa joojinta Qaadka si weyn usoo dhaweeyay, isagoo ku baaqay in si rasmi ah gabi ahaanba loo joojiyo.

Xildhibaanka Waxa  uu tilmamay in xukuumadda aan looga baahneyn iney si kumeel gaar ah u hakiso, balse ay isku day fiican ku sameyso sidii isaga oo dhanba looga mamnuuci lahaa Soomaaliya, waxa uu sheegay dadka faraha badan ee ka ganacsada Qaadka iney ku bedeshaan ganacsi kale oo ka muhiisan kana faa’ido badan,  sida; khudaarta, Caanaha iyo wixii la halmaala.

Xidhibaan Shariif Maxamed Cabdalla shir jaraa’id oo warbaahintu ugu qabtay magalada Muqdisho ayaa yiri;

” Waxaan rabaa inaan ka hadalno arrimaha Qaadka oo xukuumaddu si kumeel gaar ah u joojisay in la keeno Soomaaliya, waa war dhinacna farxad weyn ka leh oo ummadda Soomaaliyeed inteeda badan ay qabto inuu dhibaato weyn uu ku hayo, laakiin ereygaa kumeel gaarka ah ayaa waxa uu yahay runtii yididiiladii iyo farxaddii warkaa soo yeeray laga qabay mid dhalnteed ka dhigeysa. Qaadka sida la ogyahay adduunka meelo badan ayaa laga cuni jiray, Yurub ayaa la geyn jiray, baaris cilmiyeed ayaa lagu sameeyay dunidii oo dhan way joojisay”ayuu yiri xildhibaanku.

“Haddii Jaadku yahay Khudaar nafaqo leh oo la cunaayo oo ganacsi galeysa, dowladaha soo saaray iyo dowladaha loo iibgeyo labadaba ay ka faa’ideysanaayaan waxbay ahaan lahayd, haddii uu yahay khudaar aan dhib lahayn lagama joojin lahayn UK, USA iyo dalal badan, dadalalkaasi iyagoon diin ahaan ka eegeynin oo aan dhaqan ahaan ka eegaynin ayaa waxay ogaadeen inuu leeyahay saameyn caafimaad oo uu xiska waxyeelaayo, waxay ku tiriyeen inuu ku jiro liiska daroogada”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in ay ahayd si rasmi ah in loo joojiyo qaadka:

“Hadiiba xukuumaddu ay aragtay in la joojiyo waxay ahayd iney toos ugu dhawaaqdo in si toos ah loo wada joojiyo, dalka markii shir lagu qabanaayo ama hawada diyaaradaha badan oo tayadoodu liidato oo soo galaya laga cabsooday amaba in isagaba wax lagu soo qariyo laga cabsooday, waxay ahayd dhib ka badan oo la ogaa baa jiraye in lagu dhiirado, xataa haddii aan la fulin karin in sharci ahaan loo soo jeediyo”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhibaatada kale ee Qaadka ay ka mid tahay in amni darro uu dhaliyo, oo sababta ciidanka dowladda wax loo soo dhaafiyaana ay tahay iney badan koodu qaad ku mashquulsan yihiin, taasina ay keento iney dayacanto shaqadii amaniga ee dalka. Waxa uu qeyb ka qaataa burburinta qoyska iyo dayaca ubadaka Soomaaliyeed ayuu xildhibaanku hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn, xildhibaanku waxa uu baaq u diray ummadda Soomaaliyeed iyo xukuumadaba oo yiri waa in go’aan wadajir ah aan ka qaadanno qaadka maadaama uu yahay shay dhib badan lagana maarmi karo.

Isniintii ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ay ku hakineyso Qaadka inuu ka soodago dhamaan garoomada dalka iyadoo aan sheegin sababta ka dambeysa go’aankaa sida lama filaanka ah uga soo yeeray xukuumadda.

Goobjoog News