U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ku Geeriyoodey Magaalada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyoodey Allaha u naxariistee xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo kamid ahaa xildhibannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah.

Xoghayaha baarlamaanka Federaalka C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, geerida xildhibaanka, waxaana uu sheegay in mudanaha uu ku xanuunsanayey mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doortey deegaannada maamulka Somaliland.

Mudane geeriyoodey ayaa ahaa xildhibaankii kaliya ee ka maqnaa doorashadii madaxweynaha dowladda Federaalka ee 8-dii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho kadib xanuun soo wajahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News