U bood dhigaalka

Xildhibaan Qalabxoor “Dagaalka Gaalkacyo Waxaa Qeyb Ka Ah Ciidanka Saracen Iyo Kuwa PIS-ta Puntland”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay colaadda magaalada Gaalkacyo dhankeeda galbeed weli ka taagan ee u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.

Xildhibaan Cabdulqaadir Jaamac Qalabxoor ayaa sheegay in colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka Mudug markii hore ay ka qeyb qaateen inuu joogsado Qarmada Madoobe, dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Wuxuu sheegay in heshiiskii la gaaray 2015-kii ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee ahaa afarta qodob la fuliyay seddex qodob oo kamid ah islamarkaana mid kamid ah uu ka fuli waayay dhanka Puntland.

Qalabxoor ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ay qeyb ka qaadanayaan ciidamadii ay tababareen dowladda Imaaraadka Carabta ee Sarecen ee Boosaaso xaruntooda tababarka ay tahay Boosaaso.

“Dagaalka hadda maanta socda waxaa ka qeyb qaadaya ciidankii Imaaraadka ay tababareen ee magacooda la yiraahdo Sarecen oo aad qog tihiin fogaanta ay u jirto Gaalkacyo iyo ciidanka PIS-ta Puntland ee nabad sugidda waxaan leenahay ciidanka Nabad sugidda waxaa tababar siisay Maraykanka, agabka ay isticmaalayaanna waa Maraykanka marka dagaallada inay ka qeyb qaadanayaan ayaan u sheegeynaa bulshada caalamka” ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Jaamac Qalabxoor.

Dagaalka ka jira dhanka galbeed ee magaalada Gaalkacyo ayaa weli socda waxaana lagu guuldareystay joojinta dagaalkaasi kadib markii odayaasha labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ay ku dhawaaqeen xabad joojin ka hirgasha degaanka.

Dadka magaalada Gaalkacyo deggan labada qeyb ayaa ka yara baqaya in dagaalka uu magaaladaasi ku soo fido, waxaa barakac uu ka jiraa qeybo kamid ah magaalada iyadoo dadweynaha ay isaga baxayaan sababo u aaddan colaadahani

Goobjoog News