U bood dhigaalka

Xildhibaanada Somaliland oo ugu Baaqay Shacabka  Iney Qaataan Kaarka Diiwaan Gelinta

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada  baarlamaanka Soomaaliland oo kula hadlay saxaafadda magaalada Hargeysa ayaa ku dhiirri galiyay dadweynaha iney isugu soo baxaan diiwaan gelinta doorashada oo dhawaan ka bilaabatay Soomaaliland.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dadka Soomaaliland waxaan  dhamaantood leeyahay waxaa wanaagsan in dadku ay isdiiwaan geliyaan, gaar ahaan labada gobol ee iminka ay ka bilaabaatay diiwaan gelintu, waxaan doonayaa si wanaagsan oo buuxda oo tayo leh iney isku diiwaan geliyaan oo ay kaarka qaataan si wanaagsan, hadhowna ugu codeeyaan ciddii ay doonaan”.

Faa’idada ay diiwaangalintu leedahay waa ; gobollada cusub ee diiwaan gelintu ka bilaabatay welina aan la aqoonsan, in gobol ahaan lagu ictiraafayo  tirada dadka ka soo baxa oo lagu qiimeynayaa, waa in ay si fiican isku diiwaan geliyaan dadku ayuu yir.

Waxa uu xasuusiyay xisbiyada siyaasadda Somaliland inaan la gaarin weli ololihii doorashada,  sidaa daraadeed cidda isku dayda iney olole bilowdo ha ka joogto ayaan leeyahay, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland ayaa bilaabatay 16 Janaayo ee sanadkan, iyadoo la filayo in laga sameeyo dhammaan gobollada maamulka, si doorashada soo aaddan ay u noqoto mid cadaalad ah codka dadka doorashada galayana loo sii ogaado.

Goobjoog News