U bood dhigaalka

Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle Oo Maanta La Shaacinayo

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe lagu shaaciyo, laguna dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabelle.

Waxaa socota qabanqaabada munaasabad la doonayo in lagu soo bandhiggo xildhibaannadan, iyadoo ay ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale urur goboleedka IGAD.

Ergada ka qeybgaleysa shirka Jowhar ayaa horay u shaaciyey in ay soo gudbiyeen liiska xildhibaannada maamulka Hirshabelle, maanta oo ay taariikhdu tahayna 8-da Otober la dhaarin doono.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in amniga guud ee magaalada Jowhar aad loo adkeeyay, iyadoo magaalada lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah.

15-ka bishan October waxa uu qorsha yahay in xildhibaannada maamulka cusub ee Hirshabelle ay doortaan madaxweynahooda.

Inkastoo dhismaha maamulka Hirshabelle uu haatan si dardar ah ku socdo, hadane waxaa jirta waxgarad ku sugan gobolka Hiiraan oo gabi ahaanba qaadacsan shirkaasi.

Goobjoog News