U bood dhigaalka

Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Soo Dhaweeyay Saxiixa Sharciga Axsaabta Siyaasadda ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xubno ka tirsan xilibaannada dowlada faderalka Soomaaliya iyo Sayaasiin ayaa soo dhaweeyay saxiixa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  uu ku saxiixay sharciga Axsaabta Qaran ee dalka.

Xildhibaanno Siyaasiyiin, iyo madaxda Axsaabta siyaasadda oo  warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax badan uu ka bedeli doono saxiixa sharcigan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan doorshooyinka iyo in laga baxo nidaamka qabiilka ku saleysan ee 4.5.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saxaafadda kala hadashay dareenkeeda iyo sida ay u aragto saxiixa shariciga Axsaabta ee uu qalinka ku duugay madaxweyne Xasan Sheekh:

” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qalinka ku duugay sharcigii Axsaabta, kaa oo ahaa kalfadhigan baarlamaaanka uu ka mid ahaa 8 sharci iyo Hal heshiis oo ay ansixiyeen, sharcigii ugu dambeeyay oo madaxweynaha loo soo gudbiyo oo uu qalinka ku duugo, waa fursad fiican, Soomaaliya waxay ka gudbeysaa marxalado aad u adadag, waxaan gaari doonaa inaan ka baxno 4.5 oo umadda Soomaaliyeed oo dhan ku ah caqabad, maanta waxay noqoneysaa in aragtida aan qabno loo wareejiyo dal dhiska, horumarka dimuqraadiyadda, dowlad wanaagga  oo aan la jaanqaadno inaan xisbi ka mid noqdaan dadka Soomaaliyeed”.

Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan madaxda Axsaabta siyaasadda ayaa isna  saxiixa sharcigan ku tilmamay inuu  yahay mid taariikhi ah:

“Maanta waxaan markhaati ka nahay isbedel taariikhi ah,  in 48 sano ka dib dalka Soomaaliya u talaabsado nidaamka Axsaabta badan Guul baan u aragnaa inta hadda joogta may xaadirin Soomaaliya oo la iska dooranayo, si xor ah ay dadku codkooda u siinayaan, laakiin inaan xaadiro oo aan joogo Soomaaliya oo doorasho u dagtay, oo isbedelkaasi inuu yimaaddo aan qeyb ka ahaado runtii sharaf weyn bay ii tahay dadka Soomaaliyeedna u noqonaysaa”.

Sharciga Axsaabta ayaa baarlamaanka uu meel marayay 6.06.2016, iyadoo in muddo ahba laga sugayay in madaxweyne Xasan uu saxiixo oo faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro, si uu u noqdo mid meel mar ah oo dhaqan gala.

Goobjoog News