U bood dhigaalka

2 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyoodey Sool

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka shuban biyoodka ayaa lagu soo waramayaa inuuka dilaacay deegaanno ku yaalla koonfurta gobolka Sool, waxaana la il daran dad aad ubadan.

Labo qof ayaa cudurkaan ugu geeriyootey degamada Kalabayr waxaana la il daran in ka badan 200 00 ruux, sida uu soo sheegayo wariyaheena Sool, Faarax Dubad.

Deegaannada uu cudurkaan ka dilaacay waxaa kamid ah Dhumey, Saaxdheer iyo sidoo kale Dabotaag, iyadoo xarumihii caafimaadka ee deegaannadaasi ay buuxdhaafiyeen.

Waxgaradka Koonfurta Sool ayaa sheegay in dawo yari baahsan ay jirto, waxaana ay dalbadeen in loo soo gurmado dadka ku nanuunsanaya halkaasi.

“Waxaa loo baahanyahay gurmad degdeg ah, xaalad adag baa jirta, dawo maleh, waa in shacabkaan ku dhimanaya Sool dawo lala soo gaaraa” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgradka Sool oo la hadlay Goobjoog News.

Gobolka Sool ayaa kamid ah meelaha sida daran u saameysa abaarta, waxaana hadda dadka ku dhaqan gobolkaasi ugu darsan tay cudurka shuban Biyoodka.

Goobjoog News