U bood dhigaalka

Akhriso: Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxa Hey’adda UNICEF?

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Cusub ee UNFPA Soomaaliya Dr. Mary Otieno iyo wafdi ay hogaamineysey.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’adda UNFPA.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa labada dhinac waxay ugu hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa wadashaqeynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’adda UNFPA si loogaaro yoolka horumarineed ee ku foogan qaabeynta iyo tayeynta Caafimaadka qoyska ee Soomaaliya taasoo qeyb lixaad leh ka qaadaneyso in bulshadeenu ku naalooto Caafimaad dhamaystiran.

Dr. Mary Otieno wakiilka cusub ee Hey’adda UNFPA Soomaaliya ayaa sheegtey in ay sii xoojin doonaan wadashaqeynta ay la lee yihiin Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha hortabinta leh ee hadda ku jira qorshaha Hey’adda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaafka iyo daryeelka iyo bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in dhankooda ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeysa Hey’adda UNFPA.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka gaar ahaan qeybta Caafimaadka qoyska iyo xoojinta xiriirka saaxiibadda Caalamiga ah si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.