U bood dhigaalka

Khasaaraha Soo Gaaray Qoyska Ismaciil Haniya oo Sii Kordhay, Kdib Weerarkii Israel ay Ku Beegsatay

Wasaaradda Caafimaadka ee qasa ayaa xaqiijisay  dhimashada malaak Haniya oo ahayd gabar yar oo uu awoowe u yahay madaxa xaafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, waxayna u geeriyootay dhawaac ka soo gaaray duqeymaha Israa’iil.

Geerida gabadhan yar ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii ay Israa’iil dishay 3 wiil oo uu dhalay ismaacil Haniya, taasoo ka dhigaysa qofkii oo ay hoggaamiyahan iyo qoyskiisu dagaalka qasa  ku waayeen wax ka yar hal todobaad.

Dhacdooyinka noocaan ihi waxay tusaale u yihiin baaxadda khasaare ee sida maalinlaha ah u soo gaaraya dadka rayidka ah ee reer falastiin, waxaana ay kusoo aadaysaa xilli maalmihii ciidda sidoo kale duqeymo lagu dilay caruur uu dhalay iyo luwa uu awoowe u yahay.