U bood dhigaalka

Agaasimaha ee Wasaaradda Caafimaadka oo Shir Caalami ah Uga Qeybgalay Mareykanka

Sheeko:Caafimaadka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil oo ku sugan magaalada Washinton DC ee dalka Mareykanka ayaa ka qeyb-galay Shirka sanadlaha ah Madasha Iskaashiga Caafimaadka adduunka.

Agaasimaha ayaa intii shirku socday kulamo duceedyo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii kasoo qeyb’gashay Madasha.

Sidoo kale wuxuu la kulmay Maamulaha guud ee Global Financing Facility mudane Luc Laviolette iyo masuuliyiin kale, wuxuuna kala hadlay sidii loo Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinaca caafimaadka.

Soomaaliya oo ay dhammaan hay’adaha dowliga ihi colaadihii sokeeye uga burbureen ayaa dib u soo kabanaysa, waxaana socday dadaallo kala duwan oo dalka dib loogu dhisayo.