U bood dhigaalka

Ciidanka Itoobiya oo Toogasho Ku Dilay Dhaqtarad Caan ka ah Gudaha Dalkaasi

Sheeko:Caafimaadka

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Itoobiya dhaqtarad ku taqasuustay maqaarka oo ka howlgalaysay isbitaalka Debere Markos ee gobolka Amxaarada ayay ciidamada Federaalku toogteen, xilli ay ku sugnayd goobteeda shaqo.

Dr. Elizabeth Teshome oo aheyd aqoonyahanad dhowaan ka qalin-jabisay waxabarashada sare ayaa shalay lagu dilay magaalada Debere Markos aagga Gojjam, kadib markii ciidamada maamulka Abiy Axmed ay toogteen.

Bulshada ku nool gobolka Amxaarada oo ka gadooday falkaas ayaa ka codsaday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay in baaris lagu sameeyo dilalka iyo xadgudbayada maamulka Abiy Axmed uu ka wado gobalka.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan gobolka amxaaradu rag hubeysan oo ka tirsan militari-ga dowlada Itoobiya ayaa rasaas ku furay dhaqtarada iyo dad kale oo ay ku eedeen inay taageersanyihiin ciidamada Jabhada Fano, waxaana ku geeriyootay Dr. Elizabeth Teshome in ay ahayd hooyo leh labo caruur ah.

Gobolka Amxaarada ayaa kamida meelaha ay colaadaha hubaysani ka holcayaan, ayadoo ay jabhadda FANO dagaalka xooggan kula jirto ciidamada dowladda Abii Axmed.