U bood dhigaalka

Shirka Aayaha Puntland Ee Ka Dhici Doona Magaalada Gaalkacyo Oo Laga Soo Horjeestay

Sheeko:Dalka

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa isa soo taraya diidmada loo muujinayo shir la sheegay in looga hadli doono aayaha Puntland, islamarkaana lagu qaban doono magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Puntland, laguna magacaabo Mursal Jaamac ayaa isaga oo ku sugan dalka Maraykanka waxa uu sheegay in shirkaan uu keeni doono caqabad hor leh.

Waxa uu sheegay in tani ay keeni karto in shacabka Puntland ay noqdaan kuwo isku qabqabsada qabiil ama wax la mid ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shirkaan waad la socotaan meelo badan ayaa laga diiday oo shirar lagu qabtay, xaq darro ayaa jirtay, shirkaan waxaa la sheegay in beelaha wax kala tabanaya is xaliyaan, laakiinse taasi wax soconaya ma ahan, qofna ma qaadanayo kala sareyn qabiil, meesha waa meel la wada leeyahay qofna si gaar ah uma sheegan karo, aniga digniinta aan bixinayo waa wax meesha ka jira” ayuu yiri Mursal Jaamac.

Dhinaca kale Mursal ayaa sheegay in beelaha Puntland qaarkood markii ay shirar gaar gaar ah yeesheen ay cadeeyeen in dadkii beelahaasi matali lahaa loo diiday shirka in lagu casuumo, loona sheegay dad iyagu matalaya ay joogaan.

Qaban qaabada shir ballaaran oo la’isugu keenayo beelaha ku nool deegaanada Puntland ayaa maalmahaan ka soconaysa magaalada Gaalkacyo, waxaana shirkaan soo qaban qaabiyay maamulka Puntland, hase ahaatee dad badan ayaa shirkaasi kasoo horjeestay.

Goobjoog News