U bood dhigaalka

War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Wasaaradaha Maaliyadda ee Labada Heer Dawladeed

Sheeko:Dalka

Waxa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir u socday muddo labo maalmood ah wasiirrada Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankaan ay yeesheen Waasirrada Maaliyadda heer Federaal iyo Dawlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha barnaamijka deyn cafinta dalka, kaas oo heer gabagabo ah maraya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray, ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay wasiirrada Maaliyadda Federaalka iyo heer Dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.

Shirkaan wasiirrada Maaliyadda Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeynta, shirkaan ayaa laga soo saaray war-murtiyeedka ay saxiixeen wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa aan qayb ka ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin, inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirkaan.