U bood dhigaalka

Dawlad Goboleedka Galmudug oo u Dabbaaldegtay 17 Sanoguuradii Dhismaheeda

Sheeko:Dalka

Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa u dabbaaldegtay 17 sano guuradii kasoo wareegtay markii dhidibada loo aasaray, 14 Agoosto sanadkii 2006, Galmudug ayaa maanta ka duwan middii dib loogu dhisay heshiiskii bulsho ee sanadkii 2015, iyadoo higsanaysa hormar dhinac walba ah ay ku gaareyso Galmudugta casriga ah goor dhow.

Sanadkaan 2023 ayaa ah mid ka duwan sanadadii hore oo Galmudug waxaa sal dhigtay madaxweynihii qaranka Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo wada abaabulka iyo dardargelinta dagaalka Al-shabaab iyo sidii deegaannada ay kaga sugan yihiin looga saari lahaa, dawladdu waxaa ay geysay bariga Galgaduud ciidamadii ugu badnaa abid.

Galmudug ayaa ku guuleysatay dhismaha xarumo dawladeed, kuwaas oolaga hirgeliyay caasimadda si bulshada loogu adeego, arrintaan ayaa waxaa sal u ah in Galmudug ay ka hano qaaday xasilooni siyaasadeed, taas oo u sabab ah hormarka maanta la gaaray, sida madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka sheegay munaasabaddii xalay.

Maamulku waxaa uu sanadkii tagay ku guuleystay dhismaha Madaxtooyada dawladda Galmudug, taas oo aheyd tallaabo hore loo qaaday, waxaa sidoo kale la dhisay dhowr xarumo wasaaradood oo ay ka mid tahay Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare qeybteeda Galmudug iyo xarumo kale oo laga hirgalayey Dhuusamareeb.

Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee laga hirgeliyay faraca Bangiga Dhexe ee Soomaaliya qeybtiisa Galmudug, waxaana dhowaan xarigga ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, isaga oo ku tilmaamay guul in dawladnimada dadka loosoo dhoweeyo.

Maamulka ayaa sidoo kale dardargeliyay dhimaha golaha deegaanka degmooyinka Galmudug, waxaana lagu guuleystay in dhowr magaalo oo ay caasimaddu ku jirto ay yeeshaa golaha deegaanka, xilli qaar kamid ah ay ka dhacday doorasho dadku ay kusoo doorteen dadkii u adeegi lahaa, taas oo lagu timaamay guul la higsaday.

Galmuduga waxyaabaha sida weyn wax looga qatay ayaa waxaa kamid ah dib u heshiisiinta, waxaana meelaha qaar lagu guuleystay in la qaado oodihii kala dhex yaallay beelaha wada dega Galmudug, waxaase wali jira inaan la gaarin halkii ugu dambeysay oo beelaha qaar ay dagaallo ku dhexmaraan mararka qaar gobolka Galgaduud.

Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu fuliyo mashruuca ugu weyn, kaas lagu dhisaayo dekadda magaalo xeebeedka Hobyo, waxaana socda dadaallada loogu jiro arrintaas, xilli siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeedka dhowr jeer ay isku dayeen laakiin aan lagu guuleysan in la hirgeliyo Marshadaas.