U bood dhigaalka

Warbixin: Bil Kadib Dagaalka Gaza, 10 Kun oo Falastiiniyiinta Laga Dilay iyo Xaaladda Banii’aadnimo oo Taagan

Sheeko:Caalamka

Muddo bil ayaa kasoo wareegatay weerarkii October 7, iyada oo khasaaraha nafeed ee soo gaaray dhanka reer Falastiin ay kor dhaafayaan toban kun(10,000) sida ay ku warantay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza.

Warbixintan ayaa intaasi raacisay in dadka ay Israel ku dishay gudaha Gaza ay u badan yihiin caruur iyo haween, waxaana dhaawac uu soo gaaray shan iyo labaatan ku(25,000) halka kumannaan kale la la’yahay.  

Maalmihii la soo dhaafay, duqeymo xagga cirka ah ayay Israel ku garaacday xarumaha Qaramada Midoobay oo ay gabaad ka dhigteen kumannaan qof oo barakacayaal ah, goobaha sidoo kale la la beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Isbitaallo, kuwaas oo markii hore ay buuxdhaafiyeen dhaawacyo iyo dad deegaan ah.

Sida ay sheegeyso hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO keliya weerarada ay Israel u geysteen goobaha caafimaad ayaa kor u dhaafaya 100 weerar iyada oo ka deyrisay haddii duqeymaha noocaasi ay sii socdaan ay xaalad khatar ah soo wejihi doonto caruurta iyo haweenka uurka leh.

Qiyaastii 70% dadka 2.3 milyan ee deggan magaalada Gaza ayaa ka qaxay guryahoodii tan iyo markii uu dagaalku billowday. Cunnada, dawooyinka, shidaalka iyo biyaha ayaa sii yaraanaya, iskuullada ay UN-ku maamusho oo gabbaad noqday ayaa ah kuwo aan la awoodi karin. Dad badan ayaa jiifa waddooyinka.

Israel waxaa ay sheegeysaa in ay keliya bartilmaameedsanayso baraha ay joogaan Xamaas, ilaa haddana ay ka duqeeyeen ilaa 2,500 bar oo Gaza ah oo cirka, dhulka iyo badda ah.

Khasaaraha nafeed ee soo gaaray dhanka Isra’eil ayaa iyagana kor u dhaafay 1,400 oo u badan rayid, waxaa ayna Xamaas afduub u heysataa ilaa 240 qof.

Wararka rasmiga ah ee Israel kasoo baxay ayaa sidoo kale sheegaya in bishaasi ay Talaviv khasaartay in ka badan 12 bilyan oo doolar.

Inkasta oo dalal badan oo dunida ay ka dalbadeen Israel in ay joojiso dagaalka iyo duqeynta Gaza hadana waxaa muuqato in ay xasuuqa sii waddo, iyada oo aan indhaha ka qabsanayn xeerar maxaliga ah iyo kuwa dowliga ah ee dhowraya xuquuqda aadanaha.

Mawduucyada:Galmudug