U bood dhigaalka

Al-Shabaab oo Laga Saaray Deegaanno Hoostaga Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka qaybta 21aad oo gacan ka helaya kuwa Deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka gobolka Mudug, kuwaas oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug, halkaas oo maalimihii tagay ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo.

Ciidanka huwanta ah ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaan lagu magacaabo Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug, ciidanka ayaa deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga ka wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka Baraagta.


Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas, iyaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Mudug.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Al-Shabaab laga soo saaray inta badan deegannada dhaca gobolka Mudug, inkastoo wali ay jiraan deegaanno kooban oo ku jira gacanta kooxda, kuwaas oo ciidanku ku wajahan yihiin, waxaana inta badan ay dhacaan deegaannadu Koonfurta gobolka Mudug marka la eego.