U bood dhigaalka

Mudug: Ciidamo Cusub oo Ku Biiray Gulufka Ka dhan ah Shabaab

Ciidamo cusub oo Macawislay deegaanka ah ayaa lagu biirayay dagaalka ka dhan ah Shabaab kaasi oo ka socda Mudug iyo guud ahaan dowlad goboleedka Galmudug.

Munaasabad weyn oo lagu maamuusay ciidamada dhiigga cusub ee kusoo biiray gulufka oo ka dhacday gobolka Mudug waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Federalka iyo dib uheshiisinta Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Omar Guurey, saraakiil ciidan oo ka tirsan militariga Soomaaliya, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha bulshada.

Abaabulkii ugu dambeeyay ee Shabaab looga saarayo guud ahaan Mudug ayaa ka socda deegaanno badan oo ilaa Xarardheere ah.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidanka huwanta ah ay Al-shabaab kala wareegeen magaalooyinka Camaara, Bacaadweyne iyo Shabeellow, xilli ay kusii socdaan deegaannada Caad, Dumaaye, Dabagalo iyo Jowle oo kamid ah gobolka Mudug ee Galmudug.